Home WARARKA Xasan Sheekh Maxamuud oo Uganda uga qaybgalaya Shirka looga hadlayo Mustaqbal AUSSOM

Xasan Sheekh Maxamuud oo Uganda uga qaybgalaya Shirka looga hadlayo Mustaqbal AUSSOM

4
0

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda halkaas oo dhammaadka bishaan uu ka dhacayo Shir looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudbin doonna Warbixin la xiriirta amniga Dalka, diyaargarowga Dowladda Federaalka ee qaadashada mas’uuliyadda Amniga iyo arrimaha farsamo ee howlgalkaan looga baahan yahay.

Madaxda Dalalka ay ka socdaan Ciidanka AUSSOM oo isugu jira Militari iyo Booliis ayaa dhankooda gudbin doonna macluumaadka dhinaca amniga ah ay ka hayaan Soomaaliya & tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado.

Madasha waxaa lagu soo bandhigi doonnaa waxyaabihii kasoo baxay shirarkii ka kala dhacay Muqdisho iyo Addis Ababa ee u dhaxeeyay Khubarrada amniga, Saraakiisha Ciidanka, Wakiillada Dowladda Federaalka, Midowga Afrika & Dalalka taageera howlgalkaan.

Midowga Afrika ayaa shalay ballanqaaday in si buuxda mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya loogu wareejin doonno Ciidamada Xoogga Dalka, waxa uu ururku sidoo kale shaaciyay in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahay mas’uuliyaddaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here