Home WARARKA Shirkadda Xamuulka ee MAERSK oo joojisay shaqada ay ka haysay Dekedda Berbera

Shirkadda Xamuulka ee MAERSK oo joojisay shaqada ay ka haysay Dekedda Berbera

4
0

Shirkadda Xamuulka ee Maersk ayaa si kumeel-gaar ah u joojisay xamuulkii ay gayn jirtay iyo kuwa ay kasoo qaadi jirtay Dekedda Berbera ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirkaddaasi.

Waxa ay xustay in ay dhammaystirayso shaqooyinka qabyada u ah balse aanay jiri doonnin wixii maanta ka dambeeya in ay qabato dalbaad cusub iyada oo arrintaan sabab uga dhigtay isbaddel cusub oo soo kordhay inkasta oo aysan sheegin.

Shirkaddu waxa ay shaacisay in ay sii wadayso shaqada ay ka waddo Dekedaha Muqdisho, Jabuuti & Mombasa, waxa ay macaamiisheedu ku wargelisay in ay dalban karaan adeegyada ay ugu qabato saddexdaan Marso.

Shaqada ugu badan ee xamuulka Dekedda Berbera ee Shirkaddaan ay qabanaysay waa shirxanado intooda badan u socda dhinaca Itoobiya, waxaana la ogayn sida ay arrintaan u saamayn karto Dalkaas aanay lahayn Badda.

Maersk, waxaa lagu aasaasay Svendborg ee Dalka Denmark 16kii April sanadkii 1904 waxa ay kamid tahay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xamuulka, dhammaadkii 2021 ayay si rasmi ah uga shaqo billowday Dekedda Berbera.

Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ayaa culays xooggan kala kulmaya shirkado kala duwan kuwaas oo ka cabsanaya inay dhibaato kasoo gaari karto xiisadda siyaasadeed uu dhexda ka galay Maamulkaasi, waxaana lagu wadaa in shirkadaha qaarkood ay qaataan go’aan ay ku badbaadsanayaan hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here