Home WARARKA Somaliland oo amartay in ajaanibta sharci-darrada ah ay 10 cisho gudahood kaga...

Somaliland oo amartay in ajaanibta sharci-darrada ah ay 10 cisho gudahood kaga baxaan deegaannadeeda

4
0

Somaliland ayaa ku amartay dhammaan ajaanibta sida sharci-darrada ah ku jooga deegaannadeeda inay muddo 10 cisho gudahood ah kaga baxaan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland.

Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa sheegay in laamaha ammaanka la faray inay si taxaddar leh u hirgeliyaan amarka la xidhiidha dadka ajanibta ah ee sharci-darrada ku jooga Somaliland.

“Waxa la faraya laamaha ammaanka in ay si qiimo badan u tabaabusheeyaan arrimaha dadka ajanibiga ah si ay muddo 10 cisho ah uga baxaan dalka oo dhan. Shacabka waxaan farayaa in ay laamaha ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan. Waxa aynu ilaalinaynaa amnigeenna, waana masuuliyad saaran qof kasta,” ayuu yidhi Wasiir-u-dawluhu.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay heshay dareen iyo indho caalami ah, isla markaana la filayo inay yimaaddaan maalgashadayaal badan, taas oo uu sheegay inay muhiim ka dhigayso xoojinta amniga iyo ilaalinta xasilloonida.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka aanay gacantooda ku qaadan fulinta sharciga, isla markaana aanay cidna su’aalo weydiin karin ama tallaabo ka qaadi karin dadka ajaanibta ah, maadaama arrimaha la tacaamulka ajaanibta sharci-darrada ahi ay u xilsaaran yihiin xukuumadda iyo hay’adaha socdaalka.

Wasiir-u-dawluhu wuxuu sidoo kale sheegay in dadka ajaanibta ah ee si sharci ah ku jooga Somaliland ay nabad ku joogaan, halka kuwa laga doonayo inay baxaanna ay si nabad ah uga bixi doonaan.

Somaliland ayaa hore dhowr jeer u soo saartay baaqyo la xidhiidha in ajaanibta sharci-darrada ah ay ka baxaan deegaannadeeda. Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa xilliyo kala duwan la siiyay sharciyo ay ku shaqaysan karaan kuna deggenaan karaan Somaliland, halka kuwo kalena laga dalbaday inay waafajiyaan joogitaankooda shuruucda socdaalka, qaarna la saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here