Home WARARKA Somaliland oo joojisay hawlaha shaqo ee shirkad bixisa adeegyada dal-ku-galka Turkiga

Somaliland oo joojisay hawlaha shaqo ee shirkad bixisa adeegyada dal-ku-galka Turkiga

2
0

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa kala noqotay ruqsaddii ganacsi ee shirkadda Voya Visa, oo bixisa adeegyada codsiyada dal-ku-galka Turkiga, iyadoo ku eedaysay inay ku shaqaynaysay si ka baxsan shuruucda iyo xeerarka ganacsiga ee Somaliland.

Agaasimaha Waaxda La-dagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Dhuux Cabdillaahi Cabdi, ayaa sheegay in shirkadda si rasmi ah loogu wargeliyey in laga joojiyey ogolaanshihii ganacsi ee ay ka haysatay wasaaradda, kadib markii lagu helay xadgudubyo la xidhiidha shuruucda wasaaradda.

Waxa uu sheegay in mulkiilaha shirkadda looga yeedhay wasaaradda dhowr jeer si uu uga jawaabo arrimaha lagu eedeeyey, balse uu ka dhego-adaygay inuu yimaado, isagoo intaa ku daray in shirkaddu muddo ku dhow hal sano ku shaqaynaysay si sharci-darro ah.

“Sidaas darteed, maanta laga bilaabo wasaaraddu waxay kala noqotay dhammaan sharciyadii iyo ruqsaddii ay shirkaddu ku shaqaynaysay,” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka xidhiidhka la leh shirkadda Voya Visa in aan wax adeegyo fiise ah laga dalban karin shirkadda, maadaama la hakiyay hawlaheedii ganacsi ee Somaliland.

Shirkadda Voya Visa ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland kaga laabatay ruqsaddeeda ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here