Home WARARKA Somaliland oo ka hor timid shir Saxaafadda Somaliland ku qabanayso Boorama

Somaliland oo ka hor timid shir Saxaafadda Somaliland ku qabanayso Boorama

6
0

Somaliland ayaa ka hor timid shir ay bahda Saxaafadda Somaliland qorshaynayaan inay dhawaan ku qabtaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyadoo Wasaaradda Warfaafintu sheegtay in shirkaasi aanu haysan oggolaanshaha wasaaradda.

 

Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdisalaan Ilkacase, ayaa sheegay in wasaaraddu aanay wax oggolaansho ah siin shirka, isla markaana aanay hore uga warqabin qorshaha lagu qabanayo.

 

“Ka Wasaarad ahaan waxa aanu halkan ka caddaynaynaa in shirkaasi aanu wax oggolaansho ah naga haysan, aanaan ogayn, shir sharci ah oo marka aanu qiimaynay shuruucda Somaliland ka turjumayana aanu ahayn,” ayuu yidhi Cabdisalaan Ilkacase.

 

Agaasimaha ayaa sheegay in arrintaas loo caddeeyey masuuliyiinta gobolka Awdal iyo cid kasta oo ay khusayso, isaga oo sidoo kale su’aal geliyey sababta magaalada Boorama loogu doortay goobta lagu qabanayo shirka ay qorshaynayaan bahda Saxaafadda Somaliland.

 

Hadalkan ayaa dhaliyey falcelin ka timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dadka ka hadla arrimaha bulshada iyo saxaafadda.

 

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa su’aal geliyey sababta shir lagu qabanayo gobolka Awdal looga muujinayo shaki, isaga oo xusay doorka taariikheed ee magaalada Boorama.

 

“Haddii la yidhaahdo Awdal baannu ku shirayna, miyaa laga shakiyayaa? Yaab badanaa. Hadda meeshu waa Awdal oo waa halkii Somaliland laga soo dhisay,” ayuu yidhi Guuleed Dafac.

 

Wasiirkii hore ee Dastuurka Somaliland, Cabdinaasir Buuni, ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook ku dhaliilay hadalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

 

“Nasiib-darro, goorma ayay Boorama noqotay Banaadir?” ayuu Buuni ku yidhi qoraalkiisa.

 

Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa sidoo kale ka falceliyey mowqifka Wasaaradda Warfaafinta, isaga oo su’aal geliyey awoodda sharci ee wasaaraddu u leedahay inay joojiso ama ka hor istaagto shir ay saxafiyiintu ku qabanayaan magaalada Boorama.

 

Dooddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay bahda warbaahinta Somaliland iyo ururrada u dooda xorriyadda saxaafaddu walaac ka muujiyeen xadhigyo dhowaan loo geystay saxafiyiin iyo dad si dhow ula shaqeeya warbaahinta.

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) iyo ururro kale oo u dooda xorriyadda saxaafadda ayaa hore u sheegay in xadhigyada loo geystay saxafiyiinta ay walaac ka abuureen xaaladda xorriyadda hadalka iyo madax-bannaanida saxaafadda.

 

Ururradaasi ayaa ku baaqay in haddii saxafiyiinta lagu soo oogo eedeymo, arrimahooda loo maro habraacyada sharciga, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda saxaafadda.

 

Shirka ay bahda Saxaafadda Somaliland qorshaynayso inay ku qabato Boorama ayaa sidaas darteed noqday arrin dhalisay dood siyaasadeed iyo mid la xiriirta xorriyadda saxaafadda, kaddib markii Wasaaradda Warfaafintu sheegtay in aanay siin oggolaansho, halka qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadka kale ee arrintan ka hadlay ay su’aal geliyeen sababta shirka looga hor yimid iyo awoodda sharci ee wasaaradda.

 

Ilaa hadda, doodda ugu weyn waxay ku saabsan tahay oggolaanshaha shirka, sababta Boorama loogu doortay goobta lagu qabanayo iyo doorka ay Wasaaradda Warfaafintu ku leedahay shirarka ay qabanayaan bahda saxaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here