Home WARARKA Somaliland oo Soo Dhawaysay Booqasho uu Madaxweynaha Taiwan Ku Imanayo Afrika

Somaliland oo Soo Dhawaysay Booqasho uu Madaxweynaha Taiwan Ku Imanayo Afrika

7
0

Somaliland ayaa si diirran u soo dhawaysay booqasho rasmiga ah oo uu Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ku tagayo Boqortooyada Eswatini ee Koonfur Afrika, taas oo noqonaysa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku yimaado qaaradda Afrika tan iyo markii uu xilka la wareegay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay hambalyo u dirtay Madaxweynaha Taiwan booqashadiisa oo qorshaysan inay dhacdo inta u dhaxaysa 22-ka ilaa 26-ka Abriil 2026.

Madaxweyne Lai ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo wafdi heer sare ah oo ku wajahan Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ku yaalla ee xidhiidh diblomaasiyadeed la leh Taiwan, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono munaasabado rasmi ah isla markaana uu kulamo la yeelan doono madaxda dalkaas si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Booqashadan ayaa imanaysa xilli Taiwan ay dadaal ugu jirto inay xoojiso joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee caalamka, isla markaana ay sii adkayso xidhiidhka ay la leedahay saaxiibadeeda, iyadoo ay jirto tartan siyaasadeed oo sii xoogaysanaya, oo gaar ahaan kala dhexeeya Shiinaha.

Dowlada Shiinaha oo xidhiidh dhaw la leh dowlada Soomaaliya, ayaan dhankeeda aad uga soo horjeeda dhaqdhaqaaqyada madaxda Taiwan, iyada oo u aragta xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Jamhuuriyada Dadka Ee Shiinaha.

Taiwan iyo Somaliland ayaa xidhiidh yeeshay sannadkii 2020, iyaga oo is dhaafsaday xafiis wakiileedyo, inkasta xidhiidhkoodu uu ka cadhaysiiyay Baijing iyo Muqdisho labadaba, haddana xidhiidhkoodu wali ma gaadhin heer Dibulumaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here