Home WARARKA Somaliland oo xirtay nin sheegtay inuu u tartamayo madaxweynaha Soomaaliya iyo wariye...

Somaliland oo xirtay nin sheegtay inuu u tartamayo madaxweynaha Soomaaliya iyo wariye waraystay

1
0

Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Cabdiqaadir Maxamed Sharaay, oo ah siyaasi iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo shaaciyey inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyo wariye Cabdiraxmaan Cige oo waraysi la yeeshay.

Sharaay ayaa bartamihii bishan Oktoobar 2026 lagu xidhay magaalada Hargeysa, kaddib markii uu waraysi uu siiyey Horn Cable TV ku sheegay inuu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dalka ka dhici doonta sannadka dambe..

Intii uu waraysiga socday, ayuu Sharaay sheegay in Somaliland ay aqoonsiga ay raadinayso ka doonato magaalada Muqdisho, isaga oo ku dooday inaanay habboonayn in ay ku mashquusho Israa’iil iyo dalal kale. Hadalladiisa ayaa dhaliyey falcelin kala duwan iyo dood xooggan oo ka dhex dhalatay baraha bulshada, waxaana siyaasiyiin iyo dad ka faallooda arrimaha Somaliland qaarkood ay xukuumadda ugu baaqeen inay tallaabo ka qaaddo.
Sharaay ayaa sidoo kale lagu yaqaannaa hawlaha horumarinta, waxbarashada iyo deegaanka. Sida lagu sheegay xogta taariikh nololeedkiisa, wuxuu hore ula soo shaqeeyey maamulka Jubbaland isaga oo lataliye dhinaca horumarinta ah kasoo noqday, kana qayb qaatay mashaariic la xidhiidha waxbarashada, deegaanka iyo iskaashiga magaalooyinka.

Waxa kale oo uu hormuud ka ahaa mashruuca waxbarashada ee Cambridge World Smart School, oo loo yaqaan Tablet Teacher ama Xariif App, kaas oo loogu talagalay in ardayda Soomaaliyeed ee aan si fudud u heli karin dugsiyo iyo buugaag ay waxbarashada uga faa’iidaystaan aaladaha elektaroonigga ah. Waxa kale oo uu ka qayb qaatay mashaariic la xidhiidha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo cagaarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cige, oo ahaa wariyihii waraystay Sharaay, ayaa Khamiistii isna xabsiga la dhigay. Xadhiggiisa ayaa dhaliyey cambaarayn xukuumada uga timid bahda warbaahinta Somaliland, kuwaas oo sheegay in wariye aan loo ciqaabi karin oo keliya inuu waraysi la yeeshay qof, iyaga oo dalbaday in la caddeeyo sababta sharci ee loo xidhay.

Xarigga Cige ayaa sidoo kale dib u soo celiyey doodda ku saabsan xorriyadda saxaafadda iyo masuuliyadda wariyeyaasha marka ay waraysiyo la yeeshaan dad aragtiyahooda siyaasadeed ka dhiibta arrimaha Somaliland. Cige ayaa noqonaya wariyihii labaad ee Hargeysa ugu xidhan arrin la xidhiidha qof uu waraystay.
Ilaa hadda, xukuumadda Somaliland iyo laamaha ammaanka midkoodna si rasmi ah ugama hadlin sababaha loo xidhay Sharaay iyo Cige, eedaha loo haysto ama tallaabooyinka sharci ee laga qaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here