Home WARARKA Waa maxay ujeedka safarka Xasan Shiikh ee dalka Itoobiya?

Waa maxay ujeedka safarka Xasan Shiikh ee dalka Itoobiya?

5
0

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Safarka Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka qotoda dheer ee diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan xafiiskiisa kula yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, iskaashiga dagaalka Al-shabaab, Xiriirka Ganacsiga iyo Ilaalinta Amniga gobolka Geeska Afrika.

Maalmihii la soo dhaafay Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safaro ku kala bixiyay dalalka dariska Soomaaliya sida Kenya iyo Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here