Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Jr. ayaa mar kale si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Real Madrid, isagoo meesha ka saaray wararka ku saabsan inuu ka tagayo kooxda
Sida ay warinayso AS, Vinicius ayaa dareemaya in si weyn looga qiimeeyo gudaha kooxda, wuxuuna rumeysan yahay in Real Madrid ay tahay meesha ugu habboon ee uu ku dhisi karo dhaxal ciyaareed oo weyn, isagoo ku guuleysan kara dhammaan tartamada waaweyn ee caalamiga ah.
25-jirkan garabka uga ciyaara kooxda, oo door muhiim ah ka qaatay laba ka mid ah guulihii ugu dambeeyay ee Champions League ee Madrid, ayaa xiriir dhow la leh madaxweynaha kooxda Florentino Perez, kaasoo si gaar ah u jecel Vinicius sababo la xiriira daacadnimadiisa iyo guulaha uu kooxda la gaaray tan iyo markii uu yimid.
Ilo-wareedyo ku dhow xiddiga ayaa xaqiijiyay in qandaraaska cusub ee Vinicius uusan khatar ku jirin, iyadoo maamulka Real Madrid ay aaminsan yihiin in uusan jirin ciyaaryahan suuqa yaalla oo si fudud u beddeli kara xiddigan.



