Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, ayaa maanta u safray dalka Masar.
Wafdigaan ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Masar kala hadlaan xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan taageera dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.
Masar ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya u soo diraan ciidanka ka qeyb qaata dagaalka AS gaar ahaan sugida amniga deegaannada la xorreeyay.
Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay in la xoojiyo amniga gobolka, gaar ahaan difaaca Badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo muhiim u ah ganacsiga dunida.
Ciidamadaasi Masaarida ayaa qeyb ka noqon Howlgalka Xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM ee ay qeybta ka yihiin dalalka Afrika.
Howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya dhaqaale la’aan baahsan, maadaama dalalkii taageeri jiray ay hoos u dhigeen deeqaha ay ku bixin jireen arrimaha Soomaaliya.



