Kulan ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe ku lahaayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo la isku raacay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga iyo dadaallada lagu dejinayo xiisadda ka taagan magaalada.
Sida laga soo xigtay ka qaybgalayaasha, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ilaalinta midnimada Puntland iyo sidii mowqif mideysan looga yeelan lahaa xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee Soomaaliya.
Xog hordhac ah oo laga helay kulan xalay ka dhacay Garowe, ayaa muujinaysa in dhinacyadu isku afgarteen in la dejiyo xiisadda ka jirta Garowe, isla markaana la kala qaado ciidamada isku horfadhiya qeybo kamid ah Garowe.
Sidoo kale, is-afgaradka ayaa la sheegay inuu dhigayo in Taliye Jimcaale uu dib ugu soo laabto magaalada Garowe, iyadoo tallaabadaas loo arko qayb ka mid ah dadaallada lagu soo celinayo kalsoonida iyo xasilloonida.
Wararka hordhaca ah ayaa intaas ku daraya in la isku raacay in la bilaabo dadaallo dib-u-heshiisiin ah oo dhexmara Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliye Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo khilaafkoodu qayb ka noqday xiisadda siyaasadeed ee magaalada.
Is-afgaradka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la ballaariyo guddigii hore loogu xil saaray xalinta xiisadda Garowe, iyadoo lagu darayo xubno cusub oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Siciid Xirsi Bulxan.
Ilaa hadda, maamulka Puntland si rasmi ah ugama uusan soo saarin war-murtiyeed faahfaahinaya qodobada lagu heshiiyey, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada kale ee arrintan khusayso.



