Booliska gobolka Mandera ee dalka Kenya ayaa hortagay weerar la sheegay inay soo qaadeen dagaalyahanno looga shakisan yahay Al-Shabaab, kadib markii koox hubeysan ay beegsadeen xero amni oo ku taalla deegaanka Lafey ee ismaamulka Mandera.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday booliska, weerarku wuxuu dhacay abaare 7-da fiidnimo, xilli ku dhowaad 10 nin oo hubeysan ay ka soo dhowaadeen dhanka waqooyi bari ee xeryaha Jabi Quick Response Unit (QRU), iyagoo rasaas furay, isla markaana isku dayay inay gudaha u galaan xarunta.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in weeraryahannadu ay rasaasta ka fureen masaafo ku dhow 600 mitir, iyagoo marka hore tijaabinayay difaacyada xerada, taas oo keentay israsaasayn xooggan oo dhexmartay labada dhinac. Ciidamada QRU ayaa si degdeg ah uga jawaabay, taas oo ku qasabtay kooxdii weerarka soo qaaday inay dagaal dheer galaan.
Dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlay tuulooyinka iyo deegaannada xoolo-dhaqatada ee ku dhow goobta, taas oo cabsi gelisay dadka deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, booliska ayaa xaqiijiyay in aan wax khasaare ah ka dhalan weerarka, dhinacna lagama soo sheegin dhaawac ama dhimasho.
Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa ugu dambeyn dib u guratay, iyada oo aan si cad loo sheegin sababta keentay in ay ka baxaan goobta. Ciidamada amniga ayaa si degdeg ah u xaqiijiyay amniga deegaanka, isla markaana bilaabay howlgallo daba-gal ah oo lagu raadinayo ciddii ka dambeysay weerarka.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee ka jira xadka Kenya iyo Soomaaliya. Maalmo ka hor, kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay weerareen tuulada Elgolicha ee Mandera, halkaas oo ay ku dileen laba qof, isla markaana ay si xun u dhaawaceen haweeney deegaanka ah.



