Home WARARKA Xeer Ilaalinta Maamulka Waqooyi Bari oo Codsatay in Xasaanadda Laga Xayuubiyo Xildhibaan...

Xeer Ilaalinta Maamulka Waqooyi Bari oo Codsatay in Xasaanadda Laga Xayuubiyo Xildhibaan Fahiima Quuje

1
0

Xeer Ilaalinta Guud ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Golaha Wakiillada in xasaanadda laga xayuubiyo xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si maxkamad loogu soo taago dacwad la xidhiidha hadalladii ay kaga dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn iyo Maamulka Waqooyi Bari.

Warqad ku taariikhaysan 15-ka July 2026 oo uu saxeexay Xeer Ilaaliyaha Guud, Cabdullaahi Xirsi Cilmi, ayaa lagu sheegay in codsiga lagu saleeyay qodobbada 50-aad iyo 51-aad ee dastuurka maamulka, qodobbada 7-aad iyo 8-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, iyo qodobbada 184, 218 iyo 222 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS).

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale codsaday in Fahiima Quuje laga qaado xubinnimada Golaha Wakiillada, si marka hore loogu gudbiyo maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwadda. Nuqullo ka mid ah warqadda ayaa loo diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dhanka kale, Fahiima Yuusuf Quuje ayaa xalay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Golaha Wakiillada ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay ku hungawday aragtidii ay ku dhintay maamulka Waqooyi Bari iyo raadinta dowlad Soomaaliyeed.

Kiiska Fahiima Quuje ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay dareenka bulshada iyo siyaasadda, iyadoo la sugayo go’aanka Golaha Wakiillada iyo tallaabooyinka sharci ee xiga ee la xidhiidha codsiga Xeer Ilaalinta.

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Fahiima Yuusuf Quuje ay hadda ku sugan tahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isla markaana waxay sheegtay inay u sii socoto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Hadaba, warqada kasoo baxday Xeer Ilaalinta ayaa muujinaysa in Fahiima dacwada laga gudbiyay kahor intii anay ku dhawaaqin in ay ka noqotay aragtida Maamulka, waxaana loo badinaya in xilli hore la ogaaday aragtida cusub ee ay qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here