Home WARARKA Xeer ilaalinta Qaranka oo baareysa muwadin Soomaaliyeed oo laga reebay duulimaadka Turkish...

Xeer ilaalinta Qaranka oo baareysa muwadin Soomaaliyeed oo laga reebay duulimaadka Turkish Airways

23
0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xaqiijiyay in uu bilaabay baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymo la sheegay in loo geystay muwaadin lagu magacaabo Cabdifitax Axmed Xuseen oo laga reebay duulimaadka Turkish Airlines, isla markaana lagu sameeyay ku-takrifal awoodeed iyo tacadi looga hor istaagay xuquuq dastuuriga ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in Turahan Kenmen, oo ah Maareeyaha Turkish Airlines ee Soomaaliya (Station Manager), uu yahay qofka lagu eedeeyay inuu adeegsaday awood aan sharci ahayn marka uu la macaamilayay rakaabka, gaar ahaan muwaadinka Cabdifitax.

Xafiisku wuxuu caddeeyay in marka ay soo gaartay cabashada iyo warbixinta dambiga ay si degdeg ah u fureen gal-dacwadeed, isla markaana baaritaan hubin ah lagu wado eedeymaha.

Xafiiska ayaa intaas ku daray in tallaabo sharci oo ku habboon la qaadi doono marka baarista la soo gabagabeeyo.

Hoos ka akhriso Qoraalka Xeer ilaalinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here