Xiisad colaad oo u dhaxeysa Ciidamada gaarka u tababaran ee PSF iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ka taagan Gobolka Bari iyada oo lasoo warriyay isku dhacdo kooban oo ka dhacay qaybo kamid ah Gobolkaas.
Deegaanka Laag oo ay isku qabteen ciidamada PSF iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay weli halkaas ka taagan tahay saamaynta ka dhalatay dagaalkaas iyada oo dhinac weliba uu doonayo in uu gurmad helo.
Ciidamo katirsan kuwa PSF ayaa la sheegay in ay la hor istaagay iyaga oo u socda dhinaca Degmada Xaafuun, muran kaddib waxaa goobta ka billaabatay israsaasayn sababtay khasaara kala duwan inkasta oo aan la shaacin tiro rasmi ah.
Dhanka Xaafuun wararka laga helayo ayaa sheegaya in isku dhac dhexmaray ciidamada PSF iyo kuwa PMPF uu halkaas ka dhacay, lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay isku dhacaas ka dhacay, waxaana weli taagan xiisadda labada ciidan.



