Home WARARKA Xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka...

Xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhex dhalatay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadjirka

29
0

Xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhex dhalatay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadjirka (JSP), kadib markii garab kamid ah xisbiga uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu yahay musharaxa rasmiga ah ee xisbiga u taagan duqa caasimadda.

Go’aankaas ayaa si weyn loola yaabay, waxaana durba ka horyimid xubno kale oo miisaan ku leh xisbiga, kuwaas oo ku doodaya in xeerarkii iyo habraacyadii xisbiga aan la raacin, Sheekh Yuusuf Xuseen Jima’ale (Madaale), oo ka mid ah odayaasha iyo aas-aasayaashii xisbiga, ayaa si adag uga horyimid magacaabista Muungaab. Wuxuu sheegay in go’aankaasi ahaa mid lagu qaaday si hal dhinac ah, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Golaha Dhexe ee xisbiga aan la isugu yeerin si loo soo xulo musharax si waafaqsan dastuurka gudaha ee JSP.

“Xisbiga wuxuu leeyahay nidaam iyo xeerar cad. Looma baahna in qof gaar ah go’aan kaligii ku gaaro arrin muhiim ah oo dhan siyaasadda caasimadda,” ayuu yiri Sheekh Madaale, isagoo ugu baaqay xubnaha in la dhowro wadajirka iyo xeerka gudaha ayuu yiray Yussuf Hussein Jim’ale Madaale,

Sido kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulamo isdaba joog ah ay hadda socdaan, kuwaas oo ay qayb ka yihiin xubnaha sare ee xisbiga iyo ergooyin isku dayaya inay soo afjaraan khilaafka.
Xoguhu waxay tilmaamayaan in dadaallo lagu doonayo in lagu mideeyo labada garab ay socdaan, balse ilaa hadda natiijo rasmi ah lama shaacin.

Dadka ku nool caasimadda iyo taageerayaasha JSP ayaa si weyn ula socda xaaladda, iyagoo ku baaqaya in xisbigu muujiyo biseyl siyaasadeed oo lagu xallin karo khilaafka si degdeg ah. Baraha bulshada waxaa hadheeyay dooddo iyo falcelinno kala duwan — qaar taageersan go’aanka lagu magacaabay Muungaab, halka kuwa kalena ay difaacayaan nidaamka xisbiga.

Khilaafkan ayaa noqon kara mid saamayn ku yeesha mustaqbalka JSP iyo doorkiisa siyaasadeed ee doorashooyinka soo socda. Siyaasiyiin falanqeeyay arrinta ayaa ku taliyay in xisbigu si degdeg ah u mideeyo mowqifkiisa, si loo ilaaliyo kalsoonida taageerayaasha iyo saameynta uu ku leeyahay saaxadda siyaasadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here