Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si cad ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mas’uul ka tahay dagaalladii cuslaa ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Mudanayaasha ayaa sheegay in rabshadahaasi ay ka dhasheen tallaabooyin ay qaadday dowladda federaalka, iyagoo hoosta ka xarriiqay in DFS ay qaadeyso mas’uuliyadda buuxda ee wixii khasaare ah ee ka dhashay dagaalka.
Senator Aadan Cabdinaasir ayaa sheegay in ay hayaan xog muujinaysa in dowladda federaalka ay wax ka ogayd waxa Baydhabo ka dhacay, isla markaana ciidamo ka tirsan dowladda lagu abaabulayay guriga Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee XFS, Xasan Eelaay, halkaas oo inta badan dagaalku ka dhacay.
Senatorku wuxuu intaas ku daray in labadii bilood ee la soo dhaafay ay talooyin siinayeen ciidamadaasi, kana dalbanayeen in aysan ku lug yeelan wax kasta oo xasilooni darro horseedi kara.
Mudanayaal kale oo hadalka qaatay ayaa xusay in xilligan ay jirto dhibaato bini’aadannimo oo ka taagan Koonfur Galbeed, isla markaana ay muhiim tahay in gargaar degdeg ah loo fidiyo shacabka, halkii dagaal hor leh laga hurin lahaa, Waxay sidoo kale sheegeen in xubno ka tirsan dowladda federaalka ay gadaal ka taagnaayeen wixii ka dhacay Baydhabo, ayna si adag u cambaareynayaan falalkaasi.
Xildhibaannadu waxay tacsi u direen qoysaska dadkii ku dhintay dagaalka, iyagoo u rajeeyay caafimaad degdeg ah dadkii ku dhaawacmay.
Dhanka kale, xildhibaannadaan oo laga soo doorto degaanada Koonfur Galbeed ayaa mar kale caddeeyay taageeradooda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo tilmaamay in ay siyaasad ahaan la safan yihiin hoggaanka maamulkaasi.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Baydhabo waxaa ka dhacay dagaallo culus, kuwaas oo Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in ugu dambeyn laga saaray magaalada kooxo ay ku tilmaameen burcad hubeysan oo xasilooni darro ka waday Baydhabo.



