Home WARARKA Xagee ka duulaan dayuuradaha Mareykanka ee duqeymaha ka geysta Puntland?

Xagee ka duulaan dayuuradaha Mareykanka ee duqeymaha ka geysta Puntland?

24
0

Warbaahinta Middle East Eye, oo horay u tabisay in Bosaso xudun u tahay saadka RSF oo Imaaraadku saldhigyo ka samaysay ayaa hada ku waramaysa in magaaladda Strategy ah ee Bosaso saldhiga Imaaraadku ka samaystay Maraykanku u adeegsado dagaalka ka dhan ah argagixisada caalamiga ah.

Warbixinta ayaa sheegtay in Washington ay si adag ugu cadaadinaysa Imaaraadka Carabta in ay joojiyaan hubeynta ciidamada RSF ee Suudaan, balse ciidammo Mareykan ah ayaa weli si aamusnaan ah uga duulaya saldhigyo uu Imaaraadku ka dhistay Soomaaliya.

Xarumahan  oo cilmi-baarayaal madax-bannaan ku tilmaameen laf-dhabarta sahayda lagu gaarsiiyo RSF, waxaa ka mid ah saldhigga Boosaaso ee Puntland oo Imaaraadku u rogay xarun ciidan oo casri ah oo leh garoon iyo saldhig badeed.

Ilo Mareykan iyo saraakiil Puntland ah ayaa sheegay in halkaas ay Imaaraadku ka mariyaan hubka RSF, halka Mareykankuna isla goobta uga faa’iideysto hawlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here