Home WARARKA Afar(4) sano oo ka qasaartay Soomaaliya!.

Afar(4) sano oo ka qasaartay Soomaaliya!.

19
0

Afarta (4)sano ee dhammaadka ah oo hoggaanka dalka uu hayay Madaxweyne Xassan Sheikh waa afar sano oo qasaartay sida ay ay qabaan qaar ka mid ah Dadka soomaaliyeed.

Waxayna ahayd in lahelo horumar dowladeed, beddelkeedase waxa lahelay dhibaato dowladeed oo aan taariikhda Soomaaliya soo marin.

Horumar Dowladeed waa heerka horumarinta iyo hagaajinta ay dowladdu ka sameyso dhammaan adeegyada iyo hay’adaha muhiimka u ah bulshada, si loo gaaro nolol wanaagsan, xasillooni iyo mustaqbal waara.

Astaamaha horumarka waxaa ka midda:
Maamul-wanaag, daahfu-ranaan (transparency), isla xisaabtan, la-dagaallanka musuqmaasuqa heerarkiisa kala duwan, sarraynta sharciga iyo ku dhaqankiisa.

Adeegyo Bulsho oo tayo Waxbarasho la heli karo, Caafimaad la isku hallayn karo iyo, koronto, iyo adeegyo dadweyne oo joogto ah,Amni iyo kala dambeyn:boolis iyo ciidan shaqeeya,nabadgelyo sugan si ganacsigu u kobco.

Horumar Dhaqaale: shaqo-abuur, kaabayaal (waddooyin, dekedo, garoomo), Taageeridda ganacsiga iyo maalgashiga.
Cadaalad iyo Garsoor Madax-bannaan:maxakamado shaqeeya, Dembiilaha oo la ciqaabo, dhibbanaha oo la difaaco.
Ka-qaybgal bulsho: in dadka loo oggolaado inay codkooda dhiibtaan, Doorashooyin xor ah,

Bulsho dowladdeeda la macaamisha.

Intaas ayay ahayd inaan helno; beddelkeedana waxaan helnay arrimahan hoos ku xusan, kuwaas oo Hassan Shiikh 65 sano kadib lagu xasuusan doono:

1. Abaabul colaado sokeeye.
2. Musuq xargaha goostay.
3. Dhaawac ba’an oo soo gaaray midnimadii ummadda Soomaaliyeed
4. Weerarro aan loo qiil dayin, sida kuwii Raas-kaambooni iyo Balad-xaawo.
5. Barakicin iyo beegsi dad gaar ah.
6. Colaado qabaa’il dhex mara, oo xitaa gaaray in qof nool lagu gubo.
7. Gumaadka ubaxii dalka (barakicinta ardaydii waxbarashada).
8. Ku tagrifal awoodeed.
9. Aruursi dhaqaale oo xargahoostay.
10. Kala furfurka Ciidankii Qaranka.
11. Hay’adihii dowladda oo boobkii ku tartamaya.
12. Xukuumad la’aan: 4 sano ee Xasan Shiikh dalka waxaa maamuliyey xushmad fadhiid ah, qaybna ka ah wax walba oo dhib ah ee dalka ka dhacay
13. Koontaroolkii iyo isu dheelitirankii dowladnimo oo meesha ka baxay
14. Marastii Soomaaliyeed oo uu Xasan Sheekh u qaybiyey saddex qaybood:
A) Kuwa ooyaya.
B) Kuwa habaraaya.
C) Kuwa darxumo wadooyinka la jiifa.

15. Dhaxalka dowladnimada Xasan Sheekh oo ku soo dhammaaday arrimo aan 65 sano dalka ka dhicin oo ka kooban: nacayb, ku tagrifal awoodeed, barakicin, qaylo, buuq, boob, iyo qoys taajirnimadii ka gashay shacabkii ay u dhaarteen inay u adeegaan.

Muddadii afarta sano ahayd ee Xassan xilka hayey, waxaa la adeegsadey xaraf kasta oo ku yaa Qaamuuska, waxaa loo soo gudbiyey wax walba oo kicin dareenka Hoggaamiye naxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here