Home WARARKA Booliiska Soomaaliya oo maanta u dabbaaldegaya 82 sano guurada laga joogo markii...

Booliiska Soomaaliya oo maanta u dabbaaldegaya 82 sano guurada laga joogo markii la aasaasay

16
0

Booliiska Soomaaliya waxaa la aasaasay 20kii December sanadkii 1943dii, maanta waxaa laga joogaa 82 sano, Madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaankooda hambalyo u diray saraakiisha & Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu maamuusayo maalintaan ayaa lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho iyada oo ay ka qaybgalayaan Madaxda Dowladda Federaalka, Hoggaanka Ciidanka Booliiska, Saraakiil hore iyo xubno.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Caasimadda ka socotay diyaargarowga xuska 82aad ee aasaaska ciidamada Booliiska, waxaana inta munaasabaddu socoto ay ciidamadu soo bandhigi doonnaan waxqabadkooda, agabkooda, hubkooda iyo taariikhdooda u gaarka ah.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa leh waaxyo kala duwan, saraakiisha hoggaaminaysa ciidankaan ayaa sheegay in sanadihii u danbeeyay isbaddel xooggan lagu waday ciidamadaan, Xarumaha ay ka howlgalaan iyo agabka muhiimka u ah gudashada waajibkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here