Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee lagu muransanyahay ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashooyinka ee heer federaal, gaar ahaan doorashada labada gole iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 15-ka April-2027 ay dhici doonto doorashada xildhibaannada labada Aqal, si loo soo xulo xubnaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka.
Sidoo kale, doorashada madaxweynaha ayaa loo asteeyay 15-ka May-2027, sida ku cad jadwalka uu maanta shaaciyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
“Guddigu waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa arrimahan soo socda: In Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabanayo (15-April-2027), si waafaqsan qodobka 18-aad faqradiisa 2-aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka oo sheegaya in la cayimo taariikhda doorashada 180 maalin ka hor maalinta codbixinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kae oo lasii raaciyay “In Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhacdo (15-May-2027), si waafaqsan qodobka 112-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee sheegaya in muddada xil-haynta Madaxweynuhu tahay shan (5) sano oo ka bilaabanaysa maalinta xilka loo dhaariyo”.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in muddada xil-heynta hay’adaha dowladda noqoneyso 5 sano, sida si waafaqsan qodobka 112-aad ee dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka;




