Home WARARKA DEG DEG: Buuq xooggan oo hareeyay kulanka BF Soomaaliya

DEG DEG: Buuq xooggan oo hareeyay kulanka BF Soomaaliya

6
0

Xaalad adag iyo jahwareer ayaa maanta ka taagan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, halkaas oo ay kulan wadajir ah ku leeyihiin xildhibaannada labada Gole.

Kulankan oo aan weli si rasmi ah u furmin ayaa waxaa hareeyay buuq ay sameynayaan Xildhibaannada diidan in Golaha la horgeeyo wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka KMG Ah oo dhawaan loo gudbiyay guddoonka sare, si looga doodo.

Muuqaalo la helay ayaa muujinayo xildhibaannada qaar oo Firimbi yeerinaya iyo kuwa kale oo taag taagan, isla markaana sameynaya buuq iyo fawdo.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa sidoo kalw weli aan gudaha u gelin hoolka, halka Wariyeyaasha bannaanka looga saaray kulanka, iyada oo loo diiday inay tabiyaan waxa ka jira halkaasi.

Xildhibaannada buuqa wada ayaa sidoo kale ku doodaya inuu soo dhammaaday Kalfadhigoodii, loona baahan yahay in la xiro, maadaama uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha.

“Kalfadhigeenna waxaa ka harsan maanta oo kaliya lama keeni karo sharci, Aadan Madoobe waa yaqaanaa ogaansho badan ayuu u leeyahay xeer hoosaadka aktiisa ayuu yaallaa ha fiiriyo”. Dastuurka uu maanta illaa habeen hore isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay la cararaayaan xaq uma laha inay keenaan, caalamkuna ha ogaado wixii dhaca masuuliyadooda waxaa qaadaya Aadan” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaannada diidan wax ka beddalka.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo iyada kowda bisha soo socoto la filayo in ay Muqdisho wada-hadallo uga bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Dhinacyadan ayaa ka arrinsan doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hanaanka Doorashada iyo wax ka beddelka Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here