Home WARARKA Duqaymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Jubada Dhexe

Duqaymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Jubada Dhexe

4
0

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in duqaymo diyaaradeed lagu beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaan u dhow Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada Dhexe Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Duqayntaan waxa ay saraakiishu shaaciyeen in lagu beegsaday xarumo ay joogeen hoggaamiyaal katirsan Al-Shabaab iyo xeryo lagu diyaariyanayay ciidamo duullaan ku qaada Saldhigyada Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika sida hadalka loo dhigay.

Saraakiishu waxa ay intaas ku dareen in goobaha la beegsaday ay muddo la socdeen ciidamada Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland kaddib markii xogta lasoo dhammaystay lagu dhaqaaqay fulinta weerarkaan oo loo badinayo in ay fuliyeen Diyaaradaha Maraykanka.

Gobollada Jubbooyinka ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa muddooyinkii danbe ka socday howlgallo isugu jiray kuwa lugta ah oo ay fulinayaan Kumaandooska Danab oo garab ka helaya kuwa daraawiishta, waxaana intaas dheer diyaaradaha Maraykanka ee duulliye la’aanta ah oo duqaymo ka fuliyay deegaannada qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here