Home WARARKA Xildhibaannada Mucaaradka oo ka digay sii socoshada wax-ka-beddel Dastuur oo aan heshiis...

Xildhibaannada Mucaaradka oo ka digay sii socoshada wax-ka-beddel Dastuur oo aan heshiis lagu ahayn

5
0

Xildhibaanno Mucaarad ah oo la magac baxay Xildhibaanada Baarlamaanka xorta ah ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si adag uga digayaan tallaabooyin ay ku tilmaameen wax-ka-beddel Dastuur oo aan la isku raacsanayn, isla markaana aan marin habraacyadii rasmiga ahaa ee Dastuurku dhigayo.

Xildhibaannadaan ayaa ka digay qorshayaasha lagu doonayo in lagu beddelo qodobbada Dastuurka, iyadoo Baarlamaanka lagu soo koobo caasimadda Muqdisho, ay khatar ku yihiin sharciyadda, midnimada dalka iyo mustaqbalka dawladnimada Soomaaliya.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in difaaca Dastuurku uusan ahayn arrin mucaaradnimo ama dano gaar ah, balse uu yahay waajib qaran oo saaran dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha dawliga ah.

Warsaxaafadeedka ayaa xusay in Dastuurka Federaalka uu weli yahay mid ku meel gaar ah, ayna jiraan qodobo asaasi ah oo u baahan heshiis ballaaran, sida, Qeybsiga awoodaha iyo kala xadaynta awoodeed, Maamulka kheyraadka dabiiciga ah, Qaab-dhismeedka garsoorka iyo kala madaxbannaanidiisa iyo Xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Xildhibaannadu waxay ku doodeen in wax-ka-beddel kasta oo aan ku imaan wadatashi qaran, heshiis siyaasadeed iyo habraac dastuuri ah uu dhaawacayo nidaamka dowlad-dhiska, isla markaana uu horseedi karo khilaaf siyaasadeed iyo kala qaybsanaan bulsho.

Sidoo kale, waxay ka digeen in ku degdegidda wax-ka-beddel Dastuur ay si gaar ah u saameyn karto kalsoonida muwaadiniinta, amniga, iyo xasilloonida dalka, ayna furi karto albaab khilaaf hor leh. Waxay ugu baaqeen madaxda federaalka, dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah in ay qaataan mas’uuliyad wadareed, isla markaana ay doortaan wadahadal qaran iyo heshiis loo dhan yahay.

Warsaxaafadeedku wuxuu sidoo kale taabtay kaalinta hay’adaha dastuuriga ah, iyada oo la xusay in Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka iyo Baarlamaanka Federaalka ay leeyihiin doorka sharci ee ku aaddan hannaanka wax-ka-beddelka, ayna tahay in laga fogaado tallaabooyin hal dhinac ah.

Ugu dambayn, xildhibaannadu waxay farriin u direen beesha caalamka, iyaga oo sheegay in taageerada Soomaaliya ay ku xirnaan karto saddex qodob oo aasaasi ah: wadahadal qaran, heshiis loo dhan yahay, iyo ixtiraamka Dastuurka. Waxay adkeeyeen in difaaca Dastuurku yahay difaac xuquuq muwaadiniin, midnimo qaran iyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed, ayna tahay waajib qaran oo aan laga tanaasuli karin.

Xildhibaannada Mucaaradka oo ka digay sii socoshada wax-ka-beddel Dastuur oo aan heshiis lagu ahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here