Home WARARKA Ra’iisul Wasaare Hamza Lacag Sharci-darro ah Joojiyay, Mid Kalena la Sharciyeeyay?

Ra’iisul Wasaare Hamza Lacag Sharci-darro ah Joojiyay, Mid Kalena la Sharciyeeyay?

5
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo lacag sharci-darro ah oo muddooyinkii u dambeeyay laga qaadayay musaafiriinta ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Lacagtan ayaa la sheegay in Wasiirka Caafimaadka uu kusoo rogay, iyadoo $30 doolar looga qaadi jiray buug caafimaad qiimihiisu ahaa wax ka yar hal doolar.

Go’aankan ayaa yimid xilli Ra’iisul Wasaaruhu uu xarig-jarka u sameynayay CIP Lounge, oo ah xarun ganacsi gaar loo leeyahay oo laga hirgeliyay gudaha garoonka Muqdisho. Xaruntan ayaa lagu wareejiyay adeegyo muhiim ah oo ay horey u maamuli jirtay dowladda iyo shirkadaha ka howlgala garoonka.

CIP Lounge waxaa malaayiin doolar ku maalgeliyay wiilka Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdirisaaq, iyo shaqsi Turki ah. Xaruntu waxay bixin doontaa adeegyo ay kamid yihiin:
• Adeegyadadii VIP garoonka
• Maamulka iyo qaadista Cargo-ga
• Kaarar gaar ah oo lagu galo, kuwaasoo madaxda looga qaadayo $150
• kireynta xarumaha ganacsi ee Mqayadaha iyo dukaamo gaar ah,

Sida la xaqiijiyay, CIP Lounge waxaa laga dhisay dhul dowladeed, halka ku dhowaad 80% maalgashiga lagu sheegay inuu leeyahay wiilka Madaxweynaha. Ganacsigan ayaa xiray ama la wareegay adeegyadii VIP iyo ganacsiyadii kala duwanaa ee horay uga furnaa garoonka, taasoo meesha ka saartay ilo dakhli oo dowladda lahayd iyo ganacsato soomaaliyeed,

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan oo la xiriira is-khilaafka go’aannada dowladda, daahfurnaan la’aanta, iyo isku dhex-yaaca danaha gaarka ah iyo xilka dowladeed. Dadka dhaliila arrintan ayaa ku doodaya in isbaaradii shalay la oggolaaday maanta la joojiyay, si loo qariyo isbaaro kale oo cusub oo ay leeyihiin carruurta iyo ehelada madaxda sare.

[“miskiin ayaa miska la fuulo leh” wasiir cali xaaji ishiisii dhaqaale waxa burburiyay ganacsiga cusub ee wiilka madaxweynaha oo laga qarinayay indhaha shacabka iyo warbaahinta]

Sidoo kale, waxaa jira tuhun sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu ku lug leeyahay maalgashiga CIP Lounge. Arrintan ayaa sii xoogeysatay kadib markii la xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Xamse uu ku dhowaad toban sano ka hor ka mid ahaa aasaasayaasha shirkadda Sahal, oo ka howlgasha Garoonka Muqdisho, isla markaana weli saami dhaqaale xooggan ka hesha.

waxaa sii kordhaya walaaca ku saabsan in adeegyo dowladeed si nidaamsan loogu leexinayo ganacsiyo gaar ah, iyadoo danta guud iyo dakhliga dowladda la iska indhatirayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here