Home WARARKA Masar oo xaqiijisay inay Soomaaliya usoo dirtay Ciidamo iyo Diyaarado Militery

Masar oo xaqiijisay inay Soomaaliya usoo dirtay Ciidamo iyo Diyaarado Militery

3
0

Dowladda Masar ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ciidamo iyo Diyaarado Military  oo ka mid noqonaya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay u soo dirtay Soomaaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Dowladda Masar ay ku casuuntay hoggaanka sare ee militariga Masar inuu goobjoog ka noqdo diyaargarowga ciidanka Masar ee loo qoondeeyay ku biiritaanka hawlgalka Midowga Afrika ee laga wdo gudaha Soomaaliya, Intii uu ku sugnaa Qaahira, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan militariga Masar, sidoo kalena wuxuu ka qeyb galay bandhig militari oo ay ciidanka Masar ku soo bandhigeen qalabka loo diyaariyay in loo diro Soomaaliya.

Wasaaradda Difaaca Masar ayaa sii daysay muuqaallo muujinaya askar, gaadiid gaashaaman iyo diyaarado diyaargarow ugu jira safarka kuwaasi oo lagu buufiyay ama lagu qoray caalada AU.

Qalabka la diyaariyay waxaa ka mid ah diyaaradaha AT-802U oo ah kuwo qaada weerarada fudud iyo sahminta, helikobtarrada Mi-24 Hind ee dagaalka, Mi-17 oo ah helikobtaro adeegyo badan leh, iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).

Sidoo kale, ciidanka Masar waxaa lagu qalabeeyay gaadiidka gaashaaman ee ka hortagga miinooyinka iyo weerarrada gaadmada ah ee BAE Caiman iyo RG-33L 6×6 (MRAP), iyo sidoo kale NIMR Ajban 420 4×4 oo ah gaadiid askarta lagu qaado.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin Masri ah, qalabka cirka ayaa taageeri doona ciidan lug ah oo gaashaaman oo tiradoodu gaareyso ku dhowaad 1,100 askari, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona hawlgallada la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo xasilinta dalka ee ay wadaan howlgalka AUSSOM.

Masar ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ballanqaaday inay ciidamo ku biirinayaan AUSSOM, oo si rasmi ah u billowday 1-da Janaayo 2025, inkastoo dirista ciidamada ay dib u dhac la kulantay.

Bishii Agoosto 2025, wafdi militari oo Masri ah ayaa soo booqday Soomaaliya si ay u sameeyaan sahamin iyo diyaargarow ka hor bilaabista hawlgalka.

Waajibaadka hadda ee hawlgalka AUSSOM ayaa lagu wadaa inuu dhammaado 31-ka Diseembar 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here