Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya Itoobiya

2
0

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si uu uga qeyb galo Shirka 39-aad ee Madaxweynayaasha iyo Madaxda Dowladaha Midowga Afrika (AU).

Inta uu socdo shirka, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya, isagoo si gaar ah diiradda u saari doona guulaha laga gaaray dhinaca amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu si cad u muujiyo mowqifka adag ee Soomaaliya ka taagan faragelinta shisheeye, gaar ahaan arrinta la xiriirta eedaymaha ku saabsan aqoonsi sharci-darro ah oo Israa’iil siisay maamulka Somaliland, taas oo dowladda Federaalka Soomaaliya u aragto mid si toos ah u xadgudbeysa midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Shirka Midowga Afrika ayaa waxaa ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha 55 dal oo Afrikaan ah, waxaana diiradda lagu saari doonaa caqabadaha waaweyn ee qaaradda wajahaysa, oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, iyo xasilloonida siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo gaar-gaar ah (bilateral meetings) la yeesho qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qeyb galaya shirka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Afrika wajahayso isbeddello siyaasadeed iyo amni oo waa weyn, waxaana la filayaa in go’aanno iyo qaraarro kasoo baxa shirka ay gacan ka geystaan midnimada codka Afrika ee fagaarayaasha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here