Home WARARKA Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka...

Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

3
0

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo ay ka qeybgaleen tartamayaal ka kala yimid deegaanada kala duwan ee Jubaland, kuwaas oo ku tartamay xifdinta iyo aqoonta Quraanka Kariimka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo kartida dhalinyarada ka qeybgalay tartanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan barashada, xifdinta iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Dowladda Jubaland siinayso kobcinta diinta Islaamka iyo dhiirrigelinta tartamada noocan oo kale ah oo sare u qaadaya aqoonta, akhlaaqda iyo wacyiga bulshada.

Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guuleystayaasha kaalmaha hore ka galay tartanka 30ka Juz iyo 20ka Juz. Maxamed Cabdulwahaab Axmed oo kaalinta koowaad ka galay tartanka 30ka Juz ayuu Madaxweynuhu ku abaalmariyay gaari Surf ah, halka Maxamed Nuur Maxamed oo galay kaalinta labaad lagu gudoonsiiyay gaari Succeed. Cabdulkariim Cali Aadam oo kaalinta saddexaad galay ayaa lagu abaalmariyay lacag dhan $2500, kaalinta afraadna waxaa gashay Amran Axmed Yuusuf oo lagu abaalmariyay $1500, halka kaalinta shanaad ay gashay Ifraax Maxamed Abshir oo lagu abaalmariyay $1000.

Dhanka tartanka 20ka Juz, kaalinta koowaad waxaa galay Yaasiin Maxamuud Nuur oo lagu abaalmariyay gaari Premier, kaalinta labaadna waxaa galay Ibraahiim Cusmaan Cabdullaahi oo lagu abaalmariyay $2000. Sagal Yuusuf Maxamed oo kaalinta saddexaad gashay ayaa lagu abaalmariyay $1500, halka Cabdulmaalik Xasan Iimaan oo galay kaalinta afraad lagu gudoonsiiyay $1000, ugu dambeyntiina Cabduraxmaan Mukhtaar Maxamed oo galay kaalinta shanaad ayaa lagu abaalmariyay $700.

Qaar kamid ah guulaystayaasha oo aan goobjoog ahayn munaasabadan ayay waalidkoodu u gudoomeen abaalmarinta.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ay ku bixisay qabsoomidda tartankan, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Mu’asasada Ummah iyo dhammaan culimada juhdiga ku bixisay hirgelinta iyo taabagelinta tartankan qiimaha leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here