Home WARARKA Maamulka Waqooyi Bari oo Dowladda Federaalka u gudbiyay cabasho ka dhan ah...

Maamulka Waqooyi Bari oo Dowladda Federaalka u gudbiyay cabasho ka dhan ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay

7
0

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay dowladda federaalka, iyadoo ka cabanaysa sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay uu ku xadgudbay mabaadi’da gargaarka bini’aadannimo isla markaana uu caqabad ku noqday maamulkooda.

Warqad ku taariikheysan 20-ka Abriil 2026, kuna socota Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mohamud Abdirahman Sheikh Farah, ayaa lagu sheegay in falalka lagu eedeeyay George Conway ay si toos ah uga hor imaanayaan mabaadi’da aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhexdhexaadnimada, madaxbannaanida iyo sinnaanta.

Wasiirka qorshaynta Waqooyi Bari ayaa walaac xooggan ka muujjiyay in mashaariic horumarineed oo ka socday degaanadooda si ula kac ah loo hakiyay, taas oo saameyn ku yeelatay helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo fursadaha horumarineed ee bulshada nugul.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay sarkaalkan inuu adeegsaday aragtiyo hore oo Qaramada Midoobay ah, isagoo degaanada Waqooyi Bari ku tilmaamay dhul lagu muransan yahay, arrintaas oo maamulka Waqooyi Bari ku sheegay mid aan la jaanqaadi karin qaab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Wasaaradda qorshaynta Waqooyi Bari ayaa sheegtay in falalkan ay keeni karaan kala qaybsanaan iyo in gargaarka bini’aadannimo loo adeegsado dano siyaasadeed ama eex goboleed.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dowladda federaalka inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo ay ku jirto baaritaan lagu sameeyo eedeymahaas, isla markaana la hubiyo in hay’adaha Qaramada Midoobay ay u hoggaansamaan mabaadi’da caalamiga ah ee ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Qorsheynta ee Waqooyi Bari, Ali Warsama, ayaa xusay in dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu weli ka go’an yahay la shaqeynta dowladda federaalka iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo horumar hufan oo cadaalad ku dhisan oo gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here