Madaxweynaha Soomaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar aan horey loo sii shaacin ugu amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxtooyada Maamulkaas oo soo saartay qoraal kooban ayaa xaqiijisay in safarka Madaxweynuhu uusan ahayn mid rasmi ah, balse uu yahay mid shaqsi ah.
In kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin muddada uu qaadan doono safarku, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynuhu uu muddo kooban ku maqnaan doono dalka Imaaraadka, ka dibna uu dib ugu soo laaban doono xarunta maamulka.
Imaaraadka Carabta ayaa saaxiib dhow la ah maamulkaas, iyadoo xiriir dhinacyo badan leh uu ka dhaxeeyo, balse safarkan hadda waxa uu ku kooban yahay arrimo shakhsi ah, sida ay xaqiijisay madaxtooyadu.
Lama oga in Madaxweynuhu uu kulamo aan rasmi ahayn la qaadan doono madaxda dalkaas iyo in kale, inta uu ku guda jiro booqashadiisa gaarka ah.



