Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hayโadda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo.Hospitals & Treatment Centers.
Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa dhakhtarka afduubay, kuwaas oo dhawaan muuqaal ay duubeen ku dalbanayay in la sii daayo nin laga soo qabtay gudaha Itoobiya, islamarkaana hadda ku xiran magaalada Garowe, kaas oo la sheegay in loo haysto dilkii taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan) oo Gaalkayo lagu dilay sanadkii 2020-kii.
Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa aad ugu xumaaday Afduubka . Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hayโadda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo.Hospitals & Treatment Centers.
Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) ayaa dhankooda si adag u cambaareeyay afduubka Gaalkacyo loogu gaystay ๐๐ซ ๐ ๐๐ซ๐๐ก ๐๐๐๐ข ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐.๐
Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa afduubka foosha xun ee loo geystay ๐๐ซ ๐ ๐๐ซ๐๐ก ๐๐๐๐ข ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐, oo ka tirsan bahda caafimaadka kana shaqeeya Isbitaalka Guud ee ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ .
๐๐ซ ๐ ๐๐ซ๐๐ก waa shaqaale caafimaad oo muddo dheer si hufan ugu adeegayay bulshada, isagoo door muuqda ka qaatay badbaadinta nolosha dadka. Afduubkiisa waxa uu yahay fal ka baxsan baniโaadannimada, isla markaana si cad uga hor imanaya qiyamka iyo anshaxa bulshada.
Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu Alle uga baryayaa in Farah si nabad ah ugu soo laabto qoyskiisa, asxaabtiisa, iyo bulshada uu u adeegayay.
Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dowladda iyo hayโadaha amniga inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah si loo badbaadiyo Farah, loona joojiyo falalka noocan oo kale ah ee halista ku ah badqabka bahda caafimaadka.
Aanooyinka qabiilka ee gobolka Mudug ayaa si gaar ah u saameeyay dadka bulshada haldoorka ka ahaa, waxaana weli maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo qabaaโilka deegaanka aysan ku guulaysan in xal waara laga gaaro falalka afduubka ah ee soo noqnoqda.



