Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in tallaabooyin amni oo culus laga qaaday qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiin horey uga tirsaneeyd xukuumadii Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis LaftaGareen.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Cabdullaahi Watiin, ayaa la sheegay in xabsi guri la geliyay, kaddib markii lagu tuhmay inuu door ku lahaa fududeynta dhaqaaqii ciidamada taageersanaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo la sheegay inay u jiheysteen dhinaca degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in aan weli la caddeyn muddada uu guddoomiyuhu ku jiri doono xabsi guriga, sidoo kalena aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo arrintan faahfaahinaya, ama caddeynaya in maxkamad la horgeyn doono.
Dhanka kale, ku-xigeenka wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Yuusuf, ayaa isna la sheegay in laga qaaday ilaaladiisii, isla markaana la geliyay xabsi guri.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hub uu watay laga qaaday, isla markaana la filayo in loo soo qaado magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa jira warar kale oo tilmaamaya in guddoomiyaha degmada Baydhabo, Cabdullaahi Watiin, isna loo soo gudbin doono magaalada Muqdisho maalmaha soo socda, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Ilaa hadda, saraakiisha dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed midkoodna si cad ugama aysan hadlin tallaabooyinkan, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la sugayo war rasmi ah oo ka soo baxa hay’adaha dowladda si loo fahmo sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya tallaabooyinkan iyo halka ay ku dambeyn doonaan.



