Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya marin badeed laga siinayo badda Cas

0
15

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya marin dhanka badda ah laga siin doono  Badda Cas, si ay Itoobiya uga hesho deked ganacsi.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyay Warbaahinta Asharq.

“Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxaana ay hoos tagi doontaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan meesha Itoobiya ka helayso marin badeedka badda Cas.

Baaqii kasoo baxay heshiiskii Ankara ayaa qeyb ka ahaa in Itoobiya ay marin badeed ka hesho Soomaaliya, iyadoo marinkaas uu noqonayo mid ay dowladda Federaalku bixinayso.

Taasi waxay meesha ka saaraysaa heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland bishii January ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here