Home WARARKA Maamulka Puntland oo sheegay in ay Mareykanka kala hadleen ka faa’iideysiga Kheyraadka...

Maamulka Puntland oo sheegay in ay Mareykanka kala hadleen ka faa’iideysiga Kheyraadka sida Shidaalka+Sawirro

3
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garoowe kala kulmay Wafdi sare oo ka socda Dowladda Mareykanka, kuwaasi oo isugu jira mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Sii hayaha xilka Safiirka Mareykanka,  Justin Davis, iyadoo oo ay qeyb ka yihiin Saraakiisha Howlgalka AFRICOM, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Daacish ee ka socda Buuraha Caalmiskaad.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu yiri “Mareykanka waxaan kala hadalnay dhinacyada Amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka”

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana uu ku soo aadaya xilli ay dhawaan ay Natiijo la’aan ku soo dhammaadeen Wada hadalladii Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka.

May be an image of dais, the Oval Office and text

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here