Home WARARKA Laamaha amniga Magaalada Baydhabo oo xiray dad la xiriirinaya Laftagareen

Laamaha amniga Magaalada Baydhabo oo xiray dad la xiriirinaya Laftagareen

4
0

Magaalada Baydhabo waxaa ka taagan xaaladda siyaasadeed kadib isbeddelkii ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed. ciidamo lagu eedeeyay inay ka amar qaataan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay fuliyeen xarigyo loo geystay shaqsiyaad lagu tilmaamay inay ku dhow yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dhowr qof laga qabtay Magaalada Baydhabo loona qaaday magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray iyo halka ay ku sugan yihiin. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta in dadka la qabtay ay ku heyb yihiin Laftagareen.

Dhanka kale, waxaa jira eedeymo kale oo culus oo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin, kuwaas oo la xiriira dilal iyo tacaddiyo la sheegay inay ka dhaceen gudaha Baydhabo. Wararkaasi ayaa si weyn u kordhiyay walaaca shacabka deegaanka, xilli ay magaalada ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo sii xoogeysanaysa.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ama hay’adaha amniga oo ku saabsan eedeymahan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta xaaladda magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here