Al-Shabaab ayaa xoojisay dhaqdhaqaaqyada canshuur-qaadista ee ka socda deegaannada iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Jowhar, xarunta dowlad-goboleedka HirShabeelle, iyadoo ka faa’iideysaneysa saameynta roobabka xilliyeed ee hakiyay isu socodkii caadiga ahaa.
Roobka da’aya ayaa sababay in qaybo kamid ah waddada laamiga ah ee isku xirta Balcad iyo Jowhar ay biyo fariisad noqdaan, taasoo ku qasabtay gaadiidka ka yimaada Muqdisho una socda Jowhar iyo gobollada dhexe inay isticmaalaan waddooyin qardo-jeex ah oo kale.
Xaaladdan ayaa fursad siisay Al-Shabaab, iyadoo kooxda ay gaadiidka ku joojiso waddooyinka kale ee la adeegsado, kana qaaddo lacago ay ku tilmaanto canshuur. Lacagaha laga qaadayo gaadiidka ayaa lagu saleeyaa nooca gaariga iyo rarka uu sidaayo.
Darawallo ka cabanaya xaaladdan ayaa sheegay in canshuuraha lagu qaado meelaha kala-goyska ah ee ka horreeya deegaanka Qalimoow, oo u dhexeeya Balcad iyo Jowhar.
Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay saameynta ay ku leedahay deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xawaadleey, Shanloow, Yaaqle, Lama-koore, Far-barako, Mukay Dheere iyo Mareereey.
Xaaladdan ayaa kusoo beegmeysa xilli aan weli la arkin qorshe muuqda oo lagu dayactirayo ama lagu furayo waddooyinka xirmay, iyadoo Al-Shabaab ay marar badan caqabad ku noqotay isu socodka ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabeelle ee isticmaala marinadaas.
Inkastoo ciidamada dowladda federaalka, kuwa HirShabeelle iyo ciidamada deegaanka ay weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, oo ay taageero ka helayaan saaxiibada caalamiga ah ee dhanka duqeymaha cirka, haddana kooxda ayaa dib u xoojisay joogitaankeeda qaar ka mid ah deegaannadii horay looga saaray.
Kororka dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee hareeraha Jowhar ayaa muujinaya caqabadaha amni ee weli ka jira gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan xilliyada ay roobabku saameeyaan isku socodka iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah.



