Home WARARKA ICG: Dagaalka Dowladda iyo Al-Shabaab oo galay marxalad ismari waa ah

ICG: Dagaalka Dowladda iyo Al-Shabaab oo galay marxalad ismari waa ah

5
0

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda la socodka xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu mar kale galay xaalad ismariwaa ah, kadib isbeddel muuqda oo ku yimid xakamaynta deegaannadii horey looga saaray kooxda sanadihii 2022 ilaa 2023.

Warbixintu waxay tilmaamtay in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabatay qaar ka mid ah deegaannadii hore looga saaray, taas oo muujinaysa adkaysiga iyo awoodda ay weli ku leedahay gudaha dalka, inkastoo howlgallo militari oo isdaba joog ah ay socdaan.

Dhanka kale, ICG ayaa xustay in Dowladda Federaalka ay weli gacanta ku hayso difaac adag oo lagu ilaaliyo caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka istiraatiijiga ah, hase yeeshee ay jirto cadaadis sii kordhaya oo ku wajahan awoodda dowladda.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamtay caqabado waaweyn oo horyaalla dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin tababar ciidan oo aan weli gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa, khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah, iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii caalamiga ahayd ee howlgalka amniga Soomaaliya.

ICG ayaa sidoo kale ka digtay in xaaladda amni ee dalka ay u baahan tahay dib-u-eegis istiraatiiji ah, iyadoo ku boorisay dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah in la dardargeliyo dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo isku dubaridka ciidamada.

Sidoo kale, warbixintu waxay soo jeedisay in mustaqbalka fog la tixgeliyo wadahadal siyaasadeed oo lagu dhameeyo colaadda, maadaama xal milatari oo keliya uusan horseedi karin xasilooni waarta.

Ugu dambeyntii, ICG waxay ku adkaysatay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo u baahan iskaashi siyaasadeed, amni iyo mid caalami ah si looga hortago in colaadda ay sii dheeraato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here