Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in aanay sii socon Karin howlgalkooda Soomaaliya ee soo billowday sannadkii 2007dii haddii uusan taageero Caalami ah kaddib markii Maraykanka uu shaaciyay in uu jaray kaalmadii uu siin jiray.
Midowga Afrika ayaa shaki wayn dulsaaray sii socoshada howlgalka AUSSOM ee marxaladaha iyo xaaladaha adag soo maray 19ka sano uu ka socda Soomaaliya, waxaana uu dalbaday kaalmo degdeg ah si loo wado howlgalkaas.
Dhaqaalaha, Saadka Ciidanka iyo waxyaabaha kale ee Militariga iyo Booliiska AUSSOM u baahan yihiin waa shidaalka uu ku socdo howlgalkaan, sidaas awgeed dalalka ka socdaan ciidamada Afrikaanka ma awoodaan in ay daboolaan dhaqaalahaas.
Marka la eego awoodda dheeraadka ah ee Ciidamada Midowga Afrika waxa ay hoos u dhacaysay sanadihii u dambeeyay kaddib markii la yareeyay ciidanka Militariga ah halka deegaannada qaar ay ka howlgallayeen ciidamada Xoogga Dalka keligood.



