War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal duqayn ah oo ay iska kaashadeen midka kamid ah dalalka ka caawiya weerarrada cirka oo ka dhacday Deegaannada Cadow Jilib, Gayfo & Qoordheere ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay 26 xubnood oo katirsan ‘Al-shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan uu ahaa mid si feejigan looga shaqeeyay bartilmaameedkiisa laguna guullaystay, waxa ay intaas ku dartay lagu gubay Gaari Cabdi bile ah iyo Booyad Shidaal u wadday ‘Al-shabaab’ sida lagu xusay warka kasoo baxay Dowladda.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq Ciidan kawada deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada HirShabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, waxa uu howlgalkaas isugu jiraa mid duqaymo ah iyo ay fulinayaan ciidanka Dhulka ku sugan.



