Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay inuu qaaday wareeg saddexaad oo duqeymo ah oo xalay lagu beegsaday badhtilmaameedyo ku yaalla Iiraan, kadib markii Iiraan xidhay kadinka Hormuz.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalooyinka dekedaha ah ee Bandar Abbas, Sirik, Chabahar, Bandar-e Deyr iyo Asaluyeh. Wararku waxay tilmaamayaan in weerarradu ay beegsadeen goobo ku yaalla magaalooyinkaas, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.
Maraykanka ayaa sheegay in duqeymuhu ay daba socdeen eedeyn uu u jeediyey Iiraan, taas oo la xidhiidha weerar lagu qaaday markab xamuul oo sita calanka Qubrus (Cyprus) xilli uu marayay Marinka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga shidaalka adduunka.
Dhanka kale, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku dhawaaqay inay si ku-meel-gaadh ah u xidheen Marinka Hormuz, iyagoo sidoo kale sheegay inay rasaas digniin ah ku fureen markab isku dayay inuu maro waddo ay ku tilmaameen mid aan la oggolayn.
Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Mojtaba Khamenei, ayaa dhankiisa ballanqaaday inuu ka aargudan doono dilka aabbihii, Cali Khamenei, kaas oo uu ku eedeeyey ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil. Wuxuu sheegay in “aargoosigu yahay rabitaanka shacabka Iiraan.”
Dhacdooyinkan ayaa sii kordhiyey walaaca laga qabo in iska horimaadka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan uu markale faraha ka baxo.



