Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa fashiliyay weerar ay laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab doonayeen inay ka fuliyaan xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Baladweyne.
Saraakiil ciidan oo dowladda ka tirsan ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen mid ka mid ah raggaasi, halka qofkii labaad lagu qabtay isagoo nool intii uu socday howlgalka.
“Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen inay ka geystaan xaafadda Xaawo-taako ee magaaladaas” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta dowladda.
Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Liibaan Cumar Xasan, ayaa sheegay in xog ay bixiyeen shacabka magaalada ay door muhiim ah ka qaadatay fashilinta weerarka la sheegay.
“Shacabka Beledweyne waxaan ugu baaqeynaa inay sii wadaan la shaqeynta ciidamada ammaanka, cid kasta oo isku dayda inay dhibaato ka geysato magaalada tallaabo ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu yiri afhayeenku.
Ciidamada ayaa markii dambe gudaha magaalada ku soo bandhigay meydka qofkii la dilay iyo ninka la qabtay, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo ammaanka laguna hortagayo weerarrada Al-Shabaab.



