Home WARARKA Dhageyso:Xamse Cabdi Barre oo sheegay in macallinka dhigaya dugsiga Qur’aanka laga doonayo...

Dhageyso:Xamse Cabdi Barre oo sheegay in macallinka dhigaya dugsiga Qur’aanka laga doonayo shahaado aqoonsi leh

5
0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada muddo xileedkeedu Dhammadaay ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maalintii Talaada aheed Waxaa uu sheegay in uu bilowday dib-u-habeyn lagu nidaaminayo waxbarashada Islaamiga ah, isagoo xusay in markii ugu horreysay dugsiyada Qur’aanka lagu daray nidaamka rasmiga ah ee waxbarashada dalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dugsiyada Qur’aanka loo aqoonsan doono qeyb rasmi ah oo ka tirsan manhajka waxbarashada dowladda, isla markaana yeelan doonaan manhaj mideysan, shahaado iyo kormeer ay maamusho Wasaaradda Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada muddo xileedkeedu Dhammadaay ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa uu sheegay Sidoo kale mas’uuliyadda dugsiyada qur’aanka in si rasmi ah looga wareejiyay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, waxaana loo wareejiyay Wasaaradda Waxbarashada. Tallaabadan ayaa go’aaminaysa dugsiyada qur’aanka inay noqdaan hay’ado waxbarasho oo rasmi ah, kuwaas oo lahaan doona manhaj waafaqsan heerarka qaranka, aqoonsi rasmi ah, iyo kormeer dowladeed.

Waxaa kale oo qorshaha qayb ka ah in macallimiinta dugsiyada qur’aanka ay helaan tababarro rasmi ah iyo shahaadooyin la aqoonsan yahay si loo baahiyo heerka tayada maamul iyo mid waxfundis.

Majliska Sare ee Culumada iyo Nidaamka Dijitaalka Ah

Dowladda waxay sidoo kale ka shaqaynaysaa dhisidda Majliska Sare ee Culumada Soomaaliyeed, oo mas’uul ka noqon doona soo saarida fataawada diiniga ah oo mideysan. Tani waxay beddeli doontaa tafsiirradii kala duwanaa ee horey uga soo bixi jiray sheekh kasta.Sharciga majliskan lagu dhisayo ayaa horey loogu ansixiyay Golaha Wasiirrada,

Sidoo kale, wuxuu shaaciyay in la samaynayo nidaam dijitaal ah oo lagu diiwaangelinayo dugsiyada qur’aanka, maahijta Islaamiga ah, iyo jaamacadaha, si loo xaqiijiyo xaqiiqada shahaadooyinka iyo diiwaannada aqooneed ee ardayda, taas oo kor u qaadi doonta hufnaanta nidaamka waxbarashada.

Dhisidda Aqoon-yahanno Daboola Baahiyaha Cusub ee Dalka.

Ugu dambeyntii,Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay jaamacadaha dalka inay soo saaraan aqoon-yahanno awood u leh inay ka jawaabaan baahiyaha maamul ee dalka ka jira, sida garsoorayaal ku takhasusay sharciga baddaha, khilaafaadka batroolka, dambiyada maaliyadda, hantidhawrka, iyo fiqhiga Islaamka.

Hoos ka Dhageyso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here