Home WARARKA Madaxweyne cirro oo sheegay in Sool weli uu ka tirsan yahay Somaliland

Madaxweyne cirro oo sheegay in Sool weli uu ka tirsan yahay Somaliland

3
0

Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Maxamed Cabdillaahi ayaa mar kale ku adkeeyey in gobolka Sool uu ka tirsan yahay Somaliland, isagoo ugu baaqay in bulshada Sool la soo dhoweeyo isla markaana cabashooyinka lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyey shalay oo Arbaca aheed dhammaadka kalfadhigii 69aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland.

Wuxuu sheegay in nabadda, midnimada iyo isku-duubnida Somaliland ay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee dowladdiisu diiradda saarayso.

“Madaxweynuhu wuxuu xusay in gobolka Sool uu yahay gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana bulshada Sool ay tahay walaal ka tirsan Somaliland, isagoo ugu baaqay in si furan loo soo dhoweeyo iyo in wixii cabasho ah lagu xalliyo wadahadal, heshiis, walaaltinimo iyo midnimo qaran,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Somaliland .

Hadalkan ayaa yimid maalmo kadib markii Fahiima Yuusuf Cabdillaahi, oo loo yaqaan Fahiima Quuje, ay ku laabatay Hargeysa kadib markii ay sheegtay in ay ka tanaasushay taageerada Maamulka Waqooyi-bari.

Inkastoo dagaalka tooska ah ee u dhexeeya Somaliland iyo xoogagga Waqooyi-Bari uu istaagay, labada dhinac weli waa ay haystaan maxaabiis, arrin aan wali la xallin oo u baahan heshiis siyaasadeed.

Gobalka Sool waxaa isku haya Somaliland, Puntland iyo maamulka Waqooyi-Bari, iyadoo dhinac walba uu sheeganayo inuu qayb ka yahay dhulkooda.

Laascaanood, waa caasimadda gobalka Sool, hadda waa caasimadda maamulka Waqooyi-Bari.

Dhinaca kale Caaqil Xuseen Aadan Cadde oo kamid ah madax-dhaqameedka iyo haldoorka Woqooyi-bari ee ka qayb qaatay Dagaakii ka dhacayLaascaanood ayaa u goostay dhinaca Hargeysa.

Caaqilka ayaa horay xilal sare uga soo qabtay Somaliland, wuxuuna kasoo tegay Hargeysa markii Madaxweynihii hore Somaliland muuse Biixi, oo ay saaxiib ahaayeen, weerar ku qaaday deegaankiisa, isagoo la saftay dadkiisa.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay inuu dhinaca Jigjiga kasoo wareegay, isla markaana uu hadda ku sugan yahay Magaalada Hargeysa, kaddib wada-hadallo dhex maray xukuumadda Madaxweyne Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here