Home WARARKA Dowladda Zambia oo sheegtay in ay qabatay tahriibeyaal Soomaali ah

Dowladda Zambia oo sheegtay in ay qabatay tahriibeyaal Soomaali ah

3
0

Dowladda Zambia ayaa sheegtay in la qabtay toddobo ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo saarnaa gaari xamuul ah oo ku sii jeeday dalka Zimbabwe.

Maamulka Canshuuraha dalka Zambia ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen ragaan oo lagu dhexqariyay jawaanada Bariiska, iyagoo qaab tahriib ah ku socday.

Maareeyaha xiriirka guud ee Maamulka Canshuuraha Zambia, Mr. Oliver Nzala, ayaa sheegay in gaarigaan oo Nuuca Toyota Probox ay ku qabteen magaalada Kapiri Mposhi, isla markaasna uu ku sii jeeday dhanka xuduudka Chirundu ee u dhexeeya Zambia iyo Zimbabwe.

Sarkaalkan ayaa sheegay in inta baarayay baabuurka la arkay toddobo ruux oo ku dhex qarsoon Bariiska, iyadoo korka looga daboolay jawaanada.

Sida ay sheegeen Saraakiisha, darawalkii gaariga siday iyo todobadii muhaajiriinta ahaa ee Soomaalida ahaa lagu wareejiyey Waaxda Socdaalka, iyadoo ay ku socdaan baaritaanno.

Dalka Zambia ayaa ah marin u ah tahriibayaasha ka yimaada dalalka Geeska Afrika ee u socda dalka Koonfur Afrika, iyadoo inta badan dadka tahriibka ah ay adeegsadaan gaadiid xamuul ah si ay u dhaafeen baraha koontaroolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here