Duqeymo culus oo ay fuliyeen saaxiibbada caalamiga ah ayaa fiidnimadii Isniinta ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la beegsaday goobo dhowr ah oo lagu tuhunsan yahay inay isticmaasho Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, duqeymaha ayaa billowday wax yar kaddib qorrax dhicii, waxaana magaalada oo dhan laga maqlay qaraxyo isdaba joog ah. Goobaha la beegsaday waxaa kamid ahaa xarunta loo yaqaan Villa Aadan Yabaal iyo dhismayaal kale oo la rumeysan yahay in kooxda ay u adeegsan jirtay kulammo iyo qorsheynta howlgalladeeda.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in weerarradu ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen xarumo looga shakisan yahay inay ahaayeen goobaha taliska iyo abaabulka Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhowr gantaal ay ku dhaceen meelo kala duwan oo magaalada ah, taasoo sababtay jug xooggan oo laga dareemay qaybo badan oo Aadan Yabaal ah. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin tirada dhimashada, dhaawacyada, ama burburka ka dhashay weerarrada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan howlgalka, cidda fulisay iyo natiijada kasoo baxday.



