Home WARARKA Dowladaha reer Galbeedka oo ka fiirsanaya tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu beegsan karo...

Dowladaha reer Galbeedka oo ka fiirsanaya tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu beegsan karo mas’uuliyiin Soomaaliyeed

3
0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dowladaha reer Galbeedka ay ka fiirsanayaan tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo cunaqabateyn lagu beegsan karo mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad ku dhow hoggaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa lagu xiriirinayaa walaac laga qabo in Awoodda siyaasadeed ay sii socoto wax ka baxsan muddada dastuuriga ah ee la filayo. Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha amniga ay la kulmeen xannibaado la xiriira fiisooyin ama safarro, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dowlado reer Galbeed ah ay dib u eegayaan fursado ay ka mid yihiin cunaqabateyn gaar ah ama tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah shaqsiyaad lala xiriirinayo hoggaanka Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha lagu sheegay wararkan midkoodna weli ma soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya in cunaqabateyn ama xayiraado safar la dhaqan-geliyay.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ay sii xoogeysanayaan, gaar ahaan kuwa la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo maamulka marxaladda soo socota.

Qaar ka mid ah saaxiibada caalamka ayaa la sheegay inay dhiirrigelinayaan wadahadal iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, halka mucaaradka, oo uu ku jiro Golaha Mustaqbalka, uu ku baaqayo in laga gaaro heshiis qaran oo ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here