Home WARARKA Dowladda Federaalka oo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya kala hadashay amniga Doolow

Dowladda Federaalka oo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya kala hadashay amniga Doolow

34
0

Dowladda Federaalka ayaa saacadihii la soo dhaafay isku dayaysay in Ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin askar Itoobiyaan ah iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in 24 saac gudahood diyaarad siday Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Hay’adda NISA ay isku dayeen in ay ku dagaan Garoonka degmada Doolow, balse aysan u suurta-galin.

Wafdigaan oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka ayaa tagey Doolow dhinaca Itoobiya, halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiisha Ciidanka AUSSOM ee Itoobiyaanka ah.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in kulamada Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa Itoobiya looga hadlay amniga gobolka Gedo, gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa nabadeynta gobolkaasi.

Dhaqdhaqaaqyada waxaa ay ku soo aadayaan xilli maalmihii la soo dhaafay soo baxayeen warar la xiriira in maamul cusub loo dhisayo deegaannada Jubbaland, kaasi oo looga dhawaaqayo gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here