Home WARARKA Baydhabo: Qarax lala beegsaday Taliyaha Booliiska

Baydhabo: Qarax lala beegsaday Taliyaha Booliiska

4
0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday bam-gacmeed lagu weeraray gaari uu saarnaa Taliyaha Saldhigga Booliiska Baydhabo, Cali Taagey, iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in bam-gacmeedka lagu tuuray gaariga uu la socday taliyaha.

Kadib dhacdada, ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay gaareen goobta, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno la xiriira qaraxa iyo sida uu u dhacay.

Ilaa hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxa, xaaladda Taliyaha Cali Taagey iyo xubnaha kale ee la socday gaariga. Sidoo kale, lama xaqiijin cidda ka dambeysay weerarka iyo ujeeddada laga lahaa.wararka ayaa shegaya in uu dhaawac soo gaaray Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Baydhabo.

Cali Taagey ayaa ah Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Baydhabo. Horaantii bishan, kadib dagaallo iyo weerarro ka dhacay magaalada, wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku ay dib u xaqiijiyeen xaaladda amni ee Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Baydhabo ayaa maalmahan wajahaysay xaalad amni oo xasaasi ah. 3-dii Sebtembar, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxay sheegtay in magaalada uu ka dhacay dagaal ay ku sheegeen weerar lagu qaaday fariisimaha ciidamada dowladda, iyadoo sheegtay in weerarka lagu bilaabay qaraxyo.

Sidoo kale, 20-kii Sebtembar waxaa Baydhabo booqday Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo kulan la qaatay saraakiisha Qeybta 60-aad, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo qorshayaasha lagu xoojinayo ammaanka magaalada iyo deegaannada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here