Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo saaka ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaas oo la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamo taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo ciidamo kale oo la sheegay inay ka amar qaataan maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.
Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo degmada ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ay gudaha u galeen Buurhakaba, kaddib markii uu halkaasi ka dhacay iska horimaad xooggan. Si kastaba ha ahaatee, xogtan weli waxay u baahan tahay xaqiijin madax-bannaan.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada siyaasadeed ay isku hayaan awoodda maamulka iyo gacan ku haynta deegaanno muhiim ah.
Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, mana cadda xaaladda guud ee degmada iyo cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobaha lagu dagaallamay.



