Home WARARKA Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

40
0

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka warbixisay xaaladda amniga guud ee deegaannada Jubaland, iyadoo si gaar ah u sharaxday xaaladda ka dhalatay colaadaha beelaha ee degmada Luuq, waxaana lagu xusay dadaallada socda ee lagu xallinayo xiisaddaas, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Dhanka kale, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ka warbixisay xaaladda biyo-yaraanta ee ka jirta qaybo ka mid ah Jubaland, taas oo ka dhalatay dib-u-dhac ku yimid xilli-roobaadkii lasugayay. Wasaaraddu waxay sidoo kale soo bandhigtay mashaariicda biyo-gelinta iyo biyo-soo-saarka oo laga fuliyay deegaano ay ka jireen xaalado biyo-yaraan ah, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada Dowladda Jubaland ay ugu jirto xallinta baahiyaha bulshada.

Ugu dambayntii, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay siyaasadda Dalxiiska Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here